Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay”Sawirro”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
December 1, 2019
in Wararka
0
Maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay”Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

“Isbadalka bulshadu sameyso ayaa lagu dhameyn karaa Aydhiska” waa halku dhigga sanadkaan ee maalinta caalamiga ah ee Aydhiska aduunka.

Munaasibad lagu xusayay maalinkaan oo ay qaban qaabadeeda iska kaashadeen wasaarada caafimaadka iyo gudiga ka hortaga Aydhiska ee Koofurta iyo Bartamaha dalka ayaa lagu soo bandhigay caqabada nololeed ee ay wajahayaan dadka la nool xanuunkaan, sidoo kale kulanlan waxaa lagu soo bandhigay wadiiqooyinka lagu yareyn karo, faafida cudurka iyo takoorka ay la kulmaan dadka qaba.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Sacdiyo C, samad oo ah madaxa xakameynta cudurka Aydhiska ee wasaarada caafimaadka Somalia iyo Dr. Axmed Maxamed Jimcaalle gudoomiyaha daladda ka hortaga Aydhiska ee koofurta iyo bartamaha dalka ayaa madasho ku soo bandhigay xoga laga aruuriyay dadka la nool xanuunkaan iyagoona ku baaqay in la taageero.

Nasteexo Faarax Cilmi oo ka mida bulshada la nool xanuun Aydhiska ayaa cabirtay dareenkeeda iyo caqabadaha ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.

Senator Cusmaan Maxamuud (Dufle) ayaa soo bandhigay waxyaabo badan oo aysan ku baraarugsaneyn Ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ku faafi karo xanuunka Aydhisku.

Dr. Maxamed Saciid wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka oo munaasibada soo xiray ayaa madasha ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin u gurmashada dadka xanuunkani haleeyay.

Dawo la’aan, midab takoor iyo shaqo la’aan ayaa ka mida caqabadaha nololeed ee ay wajahayaan dadka qaba xanuunka Aydhiska ee ku nool Soomaaliya, waxaana dunida oo idil maanta oo kale laga xusaa maalinka loo gaar yeelay xanuunka Aydhiska.

Previous Post

Shirka Horumarka Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Next Post

Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Next Post
Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In