Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay”Sawirro”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay”Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

“Isbadalka bulshadu sameyso ayaa lagu dhameyn karaa Aydhiska” waa halku dhigga sanadkaan ee maalinta caalamiga ah ee Aydhiska aduunka.

Munaasibad lagu xusayay maalinkaan oo ay qaban qaabadeeda iska kaashadeen wasaarada caafimaadka iyo gudiga ka hortaga Aydhiska ee Koofurta iyo Bartamaha dalka ayaa lagu soo bandhigay caqabada nololeed ee ay wajahayaan dadka la nool xanuunkaan, sidoo kale kulanlan waxaa lagu soo bandhigay wadiiqooyinka lagu yareyn karo, faafida cudurka iyo takoorka ay la kulmaan dadka qaba.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Sacdiyo C, samad oo ah madaxa xakameynta cudurka Aydhiska ee wasaarada caafimaadka Somalia iyo Dr. Axmed Maxamed Jimcaalle gudoomiyaha daladda ka hortaga Aydhiska ee koofurta iyo bartamaha dalka ayaa madasho ku soo bandhigay xoga laga aruuriyay dadka la nool xanuunkaan iyagoona ku baaqay in la taageero.

Nasteexo Faarax Cilmi oo ka mida bulshada la nool xanuun Aydhiska ayaa cabirtay dareenkeeda iyo caqabadaha ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.

Senator Cusmaan Maxamuud (Dufle) ayaa soo bandhigay waxyaabo badan oo aysan ku baraarugsaneyn Ummadda Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ku faafi karo xanuunka Aydhisku.

Dr. Maxamed Saciid wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka oo munaasibada soo xiray ayaa madasha ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin u gurmashada dadka xanuunkani haleeyay.

Dawo la’aan, midab takoor iyo shaqo la’aan ayaa ka mida caqabadaha nololeed ee ay wajahayaan dadka qaba xanuunka Aydhiska ee ku nool Soomaaliya, waxaana dunida oo idil maanta oo kale laga xusaa maalinka loo gaar yeelay xanuunka Aydhiska.

Previous Post

Shirka Horumarka Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Furmay

Next Post

Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Next Post
Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Maamulka gobolka Benaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Waaberri iyo Dharkiinleey.

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In