Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish), iyagoo kawada hadlay arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha Federaalka dunida si aragti looga qaato.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay, waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, isla markaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

Wasiirka dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida maamulka Gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka gaa rahaan Dastuurka.

“Dastuurku ma ahan wax Wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti ka keenaan aagagga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in Wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac.

Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka, waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegista dastuurka.

Arrimaha u baahan wadaxaajoodyada siyaasadeed si loogu daro Dastuurka ayaa waxaa loga doodi doonaa banbax howleed ballaaran oo ay Wasaaraddu la yeelan doonto golaha Wasiirada si aragti midaysan looga yeesho.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo casho sharaf u sameeyey diblomaasiin dalka yimid “Sawirro”

Next Post

Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo laga hadlay “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In