Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Cabdullaahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalaya shirka heer Wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo maanta ka furmay magaalada Accra, caasimadda dalka Ghana.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Waxbarashada ee dalalka Qaaradda Afrika, waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo dalkiisu sanadkan martigelinayo shirkan. Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo Waxbarashada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Wasiiru-dawlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa’iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa Waxbarashada loo adeegsanayo teknolojiyada (e-education), lana xaqiijiyo in dhammaan dugsiyada sare ee dalka ay helaan adeegga internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

“Dalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta dadkeena ee teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa’iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo dalalka aan saaxiibada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha.

Previous Post

Ciidamo boolis ah oo tabbabar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada+sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In