Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wararkii ugu dambeeyay roobab Dabeylo wata oo ka da’ay guud ahaan Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wararkii ugu dambeeyay roobab Dabeylo wata oo ka da’ay guud ahaan Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada Puntland, taasi oo sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Sida wararku sheegayaan roobabkan ayaa ka da’ay Gobolka Bari, gaar ahaan deegaanada xeebaha dhaca, kaasoo saameyn ku yeeshan dadka deegaanka iyo kalluumeysatada oo hakiyay howlihii jilaabashadooda.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Ilo Wareedyo kala duwan, ayaa sheegaya in magaalada Garoowe xalay ilaa iyo hadda uu ka da’ayo roobab dabeylo wata.

Maamulka Gobolka Bari ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka ee magaalada dekadda leh ee Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, waxaana lagu amray gaadiidka in aanay xilliyada habeenkii safri karin.

Daadadka ka dhashay roobabka ayaa la sheegay in illaa saddex gaari ah kula tagay duleedka Boosaaso, inkastoo laga badbaadiyay dadkii saarnaa gaadiidka.

Degaanada ay saameeyeen roobabka watay dabeylaha ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana ilaa hadda aan war laga haynin xaaladda deegaanadaas, maadaama ay go’een khadadkii taleefannada.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka digtay in laga fogaado xeebaha qaar maadaama ay ku soo fool leedahay roobab dabeylo wata.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka doodaya sharciga Doorashooyinka Qaranka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In