Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Madasha Sedaxaad Ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha Qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha Qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha Qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka Musuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka.

 

 

 

Previous Post

Wararkii ugu dambeeyay roobab Dabeylo wata oo ka da’ay guud ahaan Puntland

Next Post

Dib u dhiska Madxafka Qaranka oo meel gabo gabo ah maraya

Next Post
Goobaha ay ka socdaan barnaamijka Isxilqaan oo la kormeeray

Dib u dhiska Madxafka Qaranka oo meel gabo gabo ah maraya

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In