Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ee kala ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha guud ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle. Kulanka ayaa u jeeddadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay Agaasimayaasha guud ka qaadan karaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta Wasaaradaha dastuurka heer Federaal iyo heer dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Kulanka oo ah mid farsamo iyo is-xogwaraysi waxa uu socon doonaa muddo saddex maalin ah, iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka iyo qiimaynta horumarada laga garay iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal ayaa soo dhoweeyay kulanka waxa ayna xuseen in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xiriirka Wasaraadaha dastuurka ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, isla markaana ay ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan sidii loo dhamaytiri lahaa dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay Wasiirada dastuurka ee Wasaaradahooda ay kala shaqayn doonaan sidii heshiis farsamo looga gaari lahaa arrimaha u baahan wada xaajiiodyada siyaasadeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqynta agaasimayaasha guud ee Wasaraadaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer dowla goboleed, si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga, fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado”ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Warsame oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen martigelinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed si loo dhamaystiro Dastuurka ku meelgaarka ah.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta beeraha Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In