Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 10, 2019
in Wararka
0
Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed ee kala ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha guud ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle. Kulanka ayaa u jeeddadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay Agaasimayaasha guud ka qaadan karaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta Wasaaradaha dastuurka heer Federaal iyo heer dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Kulanka oo ah mid farsamo iyo is-xogwaraysi waxa uu socon doonaa muddo saddex maalin ah, iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka iyo qiimaynta horumarada laga garay iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal ayaa soo dhoweeyay kulanka waxa ayna xuseen in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xiriirka Wasaraadaha dastuurka ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, isla markaana ay ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan sidii loo dhamaytiri lahaa dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay Wasiirada dastuurka ee Wasaaradahooda ay kala shaqayn doonaan sidii heshiis farsamo looga gaari lahaa arrimaha u baahan wada xaajiiodyada siyaasadeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqynta agaasimayaasha guud ee Wasaraadaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer dowla goboleed, si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga, fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado”ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Warsame oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen martigelinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed si loo dhamaystiro Dastuurka ku meelgaarka ah.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta beeraha Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Isbitaalka Xoogga

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In