Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Masar uga qeybgalay shirka Nabadda Waarta iyo Horumarinta Africa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Masar uga qeybgalay shirka Nabadda Waarta iyo Horumarinta Africa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Aswan ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha Aswan ee Nabadda iyo horumarka waara oo hindiseheeda uu lahaa Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha Midawga Afrika, Abdel Fattah Al-Sisi.

Madasha oo loo aasaasay in lagu horumariyo Nabad, amni iyo horumar waara oo Afrika ay ku naallooto, loona qorsheeyay in sannadkiiba mar la qabto, ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Madaxweynaha Masar, iyada oo lasoo xirayo maalinta berri ah, lagana soo saarayo war-murtiyeed lafu faah-faahinayo waxyaabihii looga hadlay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee madasha sanadkaan looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah xariirka ka dhexeeya nabadda waarta iyo horumarka waara si isbedel dhab ah loogu sameeyo nolosha bulshada Afrikaanka ah, loona abuuro rajo wanaagsan

Madasha Aswan ayaa noqoneysa madal ay isugu yimaadaan bulshada kuweeda go’aannada leh, hoggaamiyayaasha fikirka, bulshada rayidka ah, aqoonyahanka iyo ganacsatada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ay ku suganyihiin madasha Aswan waxa ay kulamo doceedyo la qaadanayaan qaar kamid ah madaxda kale ee madasha isugu yimid.

 

 

Previous Post

15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar macallinimo ku qaadanaya dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Boqortooyada Sacuudiga shir uga qeybgalaya

Next Post
Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Boqortooyada Sacuudiga shir uga qeybgalaya

Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Boqortooyada Sacuudiga shir uga qeybgalaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In