Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afgooye: Deegaanno horleh oo laga cabsi qabo in uu ku fataho webiga Shabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Afgooye: Deegaanno horleh oo laga cabsi qabo in uu ku fataho webiga Shabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta degmada, isagoo intaa ku daray in webiga uu ku soo fatahayo xaafado horleh oo ka tirsan magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in kan maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo qoysaska uu barakiciyay fatahaadda, ayna jiraan xaafado horleh oo haatan laga barakacayo.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

“Degmada Fatahaad baahsan weligeed aan la arkin horeyna aan u soo marin ayaa ka dhacday, guryihii dadka biyo ayaa ka galay qoysaskuna wey ka barakaceen, saaka xaafado horleh ayay ku sii siqayaan, iyadoo horey uu biyaha u saameeyay ilaa iyo afar xaafadood” ayuu yiri Guddoomiyaha Degamda.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xusay in ay sameeyaan tirikoob ku aadan qoysaska uu saameynta ku yeeshay fatahaadda Webiga Shabeelle, waxaana uu ku baaqay in gurmad dhinac weliba leh lala soo gaaro qoysaska danta yar ee ka barakacay Afgooye.

“Tirikoobka waa uu socdaa, hadda dadku waxa ay marayaan ilaa iyo kun iyo sideed boqol oo qoys, kuwaasi oo intooda badan u baahan hooy iyo cunto, waxaana codsaneynaa in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle” ayuu yiri Ibraahim Cumar Qaasim.

Dhawaan ayay markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay guddi gaar ah u saareen fatahaadda Webiga Shabeelle ee Degmada Afgooye, si ay kulamo ula yeeshaan hay’adaha ku shaqada leh in gurmad la gaarsiiyo qoysaska ka barakacay Afgooye.

Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka oo dhawaan soo celin doonto xeerkii Waddo marista gaadiidka

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka "SAWIRRO"

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In