Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasmaha Guud ee Wasaradda, cayaartooy ka timid dalka dibadiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer howleed ku tegay garoonka cayaaraha ee stadium Muqdisho si ay ugu kuurgalayaan dhismaha garoonka oo meel gaba gaba ah maraya.
Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda Saynab Maxamuud Warsame ayaa warbixin ka siisay Wasiirka dhallinyrada iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay heerka uu marayo dhismaha garooonka.
Guddoomiye ku-xigenka arrimaha bulshadda Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa uga mahadcelisay Maamulka degmadda Warta Nabadda sida wanaagsan ee ay ugu qeyb qaadanayaan isdhaxgalka Bulshada.
Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegaty in dhawaan lasoo gaba gabayn doono dhismaha garoonka cayaaraha ee stadium Muqdisho, waxaana ay sheegtay in dhawan dhallinyarda maanta ay keenen garoonka ka timid daka dibadiisa ay la ciyari doonaan xidigaha degmada Dharkeynlay oo dhawan ku guulaystay koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wasiir Khadiija ayaa daboola ka qaaday in bisha Janaayo ee sanadka cusub xariga laga jari doono garoonka Hooyga cayaaraha ee Stadium Muqdisho, isla markaana lagu qaban doono tartamo isboorti oo heerar kala duwan leh.
Goroonka Stadium Muqdisho ayaa la dhisay sanadkii 1978 waxaana uu ka mid yahay goroomada ugu weyn qaarada Afrika, waxaana hadda muuqata in rajadaasi dibloosoo noolaynayo
Maa’iddo Muxudiin