Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhalinyarada Oo Kulan La Qaadatay Ururrada Dhalinyarada Dalka Qaarkood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu xusayay 18ka  December oo ku beegan Maalinta loo agoonsaday tahriibayaasha adduunka  taasi oo wacyi gelin looga sameynayay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii tahriibka looga joojin lahaa, isla markaana shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen machadka Hano Academy oo kaashaneysa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa ka qeyb galay munaasabadda mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, hay’adaha ganacsiga ee ka shaqeeya ee dalka iyo Wakiilo ka socday bankiyada ka howlgala caasimadda, gaar ahaan dalka Soomaaliye  dhalinyaro iyo bulshada qeybaheeda kala duwan

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Madaxa Machadka Hano Academy Sacdiyo Siyaad ayaa ka hadashay sida looga hortagi karo tahriibka iyo qaabka shaqo abuur looga sameyn lahaa  dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa halkan looga hadlayaa sidii loo joojin lahaa tahriibka oo ay ku dhimanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in la weyneeyo maalinta 18 December oo ku beegan maalin tahriibayaasha, Hano Accademy waxay xoogga saareysaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo abuur ugu sameyn laheyd”ayay tiri Sacdiyo.

Wakiilo ka kala socday Premier Bank iyo Dahabshiil Bank ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu maal gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay uga baaqsadaan tahriibka.

Xasam Maxamed Guutaale Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Farsamada Gacanta  ee Wasaaradda Shaqada iyo Cumar Xuseen Caliyow Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhallinta looga caawin lahaa inay shaqo helaan.

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Mudooyinkan dambe waxa ay Dowladda Soomaaliya waday dadaalo dib dalka loogu soo celinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada ku yaala caalamka, kuwaasi oo tahriib ku tegay wadamo badan

 

 

Previous Post

Taliska ciidanka Asluubta oo magacaabay guddi soo baara marxuum ku dhintay xabsiga dhexe ee Xamar “Dhageyso”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In