Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(Faallo) Maxaad ka taqaan xuska 20-ka Disember?

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
(Faallo) Maxaad ka taqaan xuska 20-ka Disember?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xil iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay miraha xoriyadda ee aan harsaneyno .

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ku soo biirta beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo la soo shaqeeyay gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.Tusaale ahaan:-

  Ciidamadii Soomaaliya ee xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii .waxaa jiray ciidamo Somaaliyeed oo uu aasaasay gumeysigii Ingiriiska,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen kuwii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyago soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada iyo khilafaadka soo kala dhexgala beelaha,qaarkoodna waxa ay ka qeybgaleen dagaalkii labaad ee dunida.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkasto ciidamo badan oo Soomaali ah oo ka kala socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii ka dib markii dib loo habeeyay ciidamadii gobolada woqooyi iyo konfur oo xilligasi ay gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Ciidamada Boliiska Xilligii Xoriyadda

Sanadkii 1950-60- kii dib u dhiska ciidamada Boliiska ayaa mar kale ka bilowday gobolada koonfurta Soomaaliya,ka dib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in muddo 10 sano oo xornimo gaarsiin ah Talyaaniga loo dhiibo maamulka gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda ay sii haayey dowladdi Ingiriiska.

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqaadka ciidanka Boliiska

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo marna ah hey’adda ugu weyn ee fulinta sharciga madaniga,waxaa ka mid ah waajibaadkiisa

1-la dagaallanka dambiyada

2-la-dagaallanka argagixisada

3-difaaca dalka

4-Sugidda amniga Gudaha dalka

5- Ilaalinta sharciga dalka

Dhismaha Ciidamada

Awoodda  dheeraadka ah  ee ay la soo baxeen ciidamada  Boliiska  dalka Soomaaliya,waxa ay sababeen in la la sameeyo dhismaha hoggaanno badan oo ku yimid dadaallo miro dhal ah,ka dib kolkii ay kordheen aqoonta iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah ciidamada Boliiska.

Hoggaamada Ciidamada Boliiska

1-Hoggaanka   Maaliyadda

2-Hoggaanka   Saadka

3-Hoggaanka   Tababarada

4-Hoggaanka   Dab damiska.

5-Hoggaanka   Caafimaadka

6-Hoggaanka   Isgaarsiinta

7-Hoggaanka   Dhismaha

8-Hoggaanka   Gaadiidka

9-Hoggaanka   Nabad-sugidda

10-Hoggaanka  Ciidanka

11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

12- Hoggaanka barista dembiyada .

13-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka

14-Hoggaanka  Dib u dhiska ciidanka

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed xiliyadii dhexe ee todobaatameeyadii ay la soo bexeen awood lixaad leh oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba buuxiyay shuruudaha lagama maarmaanka u ah amniga udaha,hadana guulaha ugu weyn ee la tilmaamo in ay soo hooyeen ciidamada boliiska waxaa ka mid ah qeybtii ay ka qaateen dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn weyn kuyeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo dowladdi Carta ee sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamadu waxa ay dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Haddaba,ciidamada Boliiska ayaa u dabbaaldegaya xuska sanad guuradii 76-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ciidamadaan  oo lagu tilmaamo hooyada ugu faca weyn ee dhismaha ciidamada Soomaliya,wana cududda labaad ee ay ku faanaan qeybaha bulshada oo xilligaan  ku qanacsan qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Xuska sanadguurada 76-aad ayaa ku soo beegmaya  xilli ay so hagaageyso xaaladda dalka,gaar ahaan dhinaca ammaanka ,waxaana tallooyin badan oo madaxda dowladd ay siiyeen ciidamada ay ku soo biyo shubanayaan in ciidamadu ay laba jibaaraan howlaha gurmadka ah ee ay u hayaan umadda,gaar ahaan soo celinta nabadgelyada dalka.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

W/qoray Shire Xasan kulmiye

Previous Post

Halkee ayay maraysaa soo xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug.? “SAWIRO”

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Next Post
Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In