Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Haweenka ku jira labadda Aqal ee BFS

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Haweenka ku jira labadda Aqal ee BFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

“Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna”.

Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo soo dhaweyn u sameeyay Ciyaartooy ka timid Dalka dibaddiisa.

Next Post

kulan looga arinsanayey siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay.

Next Post
kulan looga arinsanayey siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay.

kulan looga arinsanayey siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay.

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In