Wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa uu kamid yahay wadamada inta badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed,kuwaasi oo halkaasi ku haysto nolol qaabad kaladuwan leh,Wakaaladda SONNA ayaa waxbadan ka ogaatay macluumaadka ku saabsan habka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dalkaasi ugu nool yihiin.
Soomaalida dalkaasi kunool oo lagu qayaaso kummanaan qof,waxay dalkaasi ku galeen qaabad kala gedisan,qaar taahriiba,qaar sifo sharci ah ku tagay iyo kuwo muddo halkaasi deganaansho ku haysta,waxaana dhamaan ay yihiin kuwo u nool siyaabo kaladuwan,waxaana kamid ah kuwo ganacsato ah,qaar xirfado kala duwan leh,sida baabuur wadidda,shirkadaha ganacsi iyo meelo kale.
Qunsulka Guud ee Soomaaliya u jooga dalkaasi Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubakar oo xog-wareysi la yeelatay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay tani ay meesha ka saareyso aragti qaldan oo laga aaminsanaa in Soomaalida kunool dalkaasi ay la kulmaan oo kaliya dhibaatooyin,balse taasi dhanka kale marka laga fiiriyo Soomaalidu fursado aad u muhiimsan ay ka helaan wadankaasi.
Waxaa soo wehliya arrimahaasi dad Soomaaliyeed oo inta badan xabsiyada kujira,si ay cadaalada u helaanna,Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubar ayaa markale SONNA u sheegay in ka diplomaasiyiin ahaan ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii wax badan ay uga ogaan lahaayeen xaaladda maxaabiista ku xir xiran xabsiyada dalkaasi,iyagoo cadaalada u raadinaya hadii ay helaan muwadiniinta Soomaaliyeed oo xiran,iygoo kaashanaya hay’adaha dalkaasi oo ay wada shaqeyntu kala dhexeyso.
Dhanka kale Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga ayaa laga dareemayaa isbedel ballaaran marka laga hadlayo hawlaha u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan,ama kuwo hawlaha kala duwan dalkaaso ugu safrayo oo ay kujiraan Madaxda iyo shaqaalaha hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Howlwadeenada ayaa si firfircowni leh ugu adeega Bulshada,taasi oo bulshadu ay soo dhaweeyeen,arrinkaasi ayaana sii xoogeystay tan iyo markii mas’uuliyiinta Qunsuliyaddaasi oo uu ugu horeeyo Amb Ilyees Sheekh Cumar ay bilaabeen qorshayaal lagu dhiirogelinayo shaqaalaha howlkarka ah,iyadoo la abaalmarinayo shaqsi kasta oo dhanka Bulshada adeeg hufan u qabta.
Magaalooyinka Jiddah,Makka iyo Maddiina ayay inta badan kunool yihiin dadka Soomaaliyeed,inkastoo ay jiraan meelo kale oo Soomaalidu ay ku nooshahay,muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ka shaqeysa gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinkaasi,iyadoo la marayo habka shuruucda iyo nidaamka shaqo ee dalkaasi u yaala.
Iskuxirka Safaaradaha Soomaalia ay ku leedahay wadamada Caalamka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dunida ku kalanool waxay waxbadan ka taraysaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqaadka ay leeyihiin,si lamid ah bulshooyinka wadamada kale ka soo jeeda,haddii ay dhacdo xadgudubyo,handadaad,xariga iyo dhibaatooyinkale.
SONNA