Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Naadiga dowladda Hoose ee Xamar oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Naadiga dowladda Hoose ee Xamar oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabad lagu dhiiri gelinayay Naadiga Muqdisho City ee Dowladda Hoose ugu sameeyay magaalada Muqdisho.

Munaasbadda oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, cayaartooy, Macalimiin iyo marti sharaf kale ayaa diiradda lagu saaray sidii dhaqaale loogu bixin lahaa horumarinta isboortiga dalka.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

Guddoomiyaha Naadiga Muqdisho City Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay kaalimaha hore uga geli lahaayeen Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, isagoo ka codsaday shirkadaha ka howlgalla dalka ay maalgeshi ku sameystaan kooxaha ka dhisan dalkeena.

“Ujeedka sanadkan waxa ay tahay in meesha aan taaganahay aan ka sii horumarno, oo aan ku guuleysano horyaalka Dalka ama aan hiigsano kaalimaha hore ee horyaalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Naadiga Muqdisho City.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Maamulka Goboka Banaadir looga baahanyahay in uu xoogga saaro sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka Naadiga Muqdisho, si ay u helaan adeegyada cayaartooyda u baahantahay.

“Fariinteena waxa ay tahay in maamulka gobolka uu ka qeyb qaato dib u dayactirka garoonka Naadiga Muqdisho iyo garoomada kale ee lagu horumarin karo isboortiga dalka, anaguna dhankeena ayaan garab istaageen dib u habeynta garoomada kubadda cagta”ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay inay garab istaagayaan horumarinta isboortiga dalka, iyadoo cayaartooyda Naadiga dowladda Hoose ee Xamar ka dalbatay inay dhankooda xoojiyaan kulamada ay cayaarayaan.

“Waan idin garab taaganahay, cid waliba ayaa idin taageerayo waayo gobolka Banaadir ayaad ka tirsantihin, idinkuna waxaa la idinka rabaa inaad dadaalkiina muujisaan ee ah horumarka dhanka isboortiga”ayay tiri Basma.

 

 

 

 

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay Geeriga Axmadeey Abuubakar Al-Camaari

Next Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Heliwaa oo siminaar u qabtay Guddoomiye laameedyada degmada “SAWIRRO”

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In