Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Maaliyadda xubno ka socday Bangiga Horumarinta Afrika.

Xubnaha wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) oo uu hogaaminayey Sam Sakwa oo ah qabiir sare oo maamulka dhaqaalaha Bangiga ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa qiimeyn ay ku sameenayeen dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo hubinta heerka isku haleynta hannaanka maaliyadda Soomaaliya oo sanadihii ugu danbeeyey isbadal la taaban karo laga sameeyey.

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

Wasiir Beyle ayaa kulan uu xafiiskiisa kula qaatay wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Africa u sharaxay habka shaqo ee hanaanka maaliyadda Soomaaliya iyo meelmarinta sharuucda hagta maamulka dhaqaalaha dalka.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah, qeybna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka midyihiin Wasiirka ku xigeenka Cabdullaahi Sheekh Cali Qalooocoow, Agaasimaha guud iyo Xisaabiyaha guud ayaa Wasaaraddu waxay kuanka kusoo bandhigtay horumarmaro dhinacyo badan oo ay dowladdu Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ka gaartay maamulka maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha maaliyadda adduunka.

“Waxa ay u yimaadeen inay qiimeeyaan habka shaqo ee maaliyadda Soomaaliya, runtiina waxay garwaaqsadeen inaan gaarnay heerar aysan fileyn inaan gaarnay, waxaana filayaa inay la laabtaan warbixin wanaagsan ” ayuu yiri  Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ka mid ah hay’adaha caawiya Soomaaliya, kaas oo door fiican ku leh xoojinta iyo kor u qaadista dakhliga gudaha, kuwaas oo ay ugu dambeyso dib u dhiska xarumaha canshuuraha degmooyinka oo qaarkood dhawaan xariga laga jaray, sidoo kale Bangigu waxa uu ka mid yahay hay’adaha dhaqaalaha ee sida dhaw ugala shaqeeynaya Soomaaliya sidii ay ku gaari laheyd deyn cafiska.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meelmariyay sharciga duulista rayidka ee Hawada “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Next Post
Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In