Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay mashruuca talaalka xanuunka Sambabka Ariga.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
January 5, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay mashruuca talaalka xanuunka Sambabka Ariga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masharuucaan oo Cudurada Sambabka ku dhaca looga talaali doonaa In ka badan 14 milyan oo Ari ah, oo ku dhaqan guud ahaan dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, Masuuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Ururada ka shaqeeya Xanaanada Xoolaha ,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Qaar kamida masuuliyiinta ka qeyb barnaamijka ayaa sheegay In uu talaalkan muhiim yahay, islamarkaana loo baahanyahay in ay ka faaii’deystaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka oo dhan, si loo helo xoolo caafimaadkoodu dhameystiranyahay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray, Ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay xoolaha u leeyhiin dhaqalaha dalka, Wuxuuna tilmaamay in mashruucaan uu muhiimad gaara u leeyahay xoolaha iyo dadka intaba maadaama talaalka uu ka hortagayo cuduro badan oo ku dhaca xoolaha oo ay dadka Soomaaliyeed cuno iyo ganacsiba u isticmaalaan.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanda Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale xusay in uu korar ku yimid dhoofinta xoolaha Soomaaliya, islamarkaana sanadkaan la dhoofiyay In kabadan Saddex milyan oo neef, hadana ay qorsheenayaan in ay sare u qaadaan dhoofinta xoolaha oo sanadkaan la gaarsiin doono ku dahawaad Shan Milyan oo neef, maadama ay dalal badan oo ay ka midyihiin Cumaan iyo Qatar ay diyaar u yihiin in ay qaataan xoolaha Soomaaliya oo dhameystiray shuruudihii looga baahnaa.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirta sidii Xoolaha Soomaaliya looga ciribtiri lahaa cudurada qatarta ah ee ku dhaca, si loo helo Xoolo caafimaadkooda la isku haleyn karo oo loo iibgeeyo dalalka kala duwan ee caalamka, taas oo qeyb weyn ka qaadan doonta kobaca dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Kenya oo ka hotagtay weerar al-Shabaab ay ku qaadeen gobolka Lamu

Next Post

Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

Next Post
Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

Madaxweyanaha Hir-Shabelle oo Buulo Burde u tagay xal u helida, Tabashooyin halkaasi ka jira.

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In