Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay sharciga Batroolka dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay sharciga Batroolka dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hinidse-sharciyeedka Batroolka kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen.

Kulankii 25-aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Senatorada ayaa dood ka yeeshay sharcigan, waxaana ugu dambeyn la isku raacay in cod la geliyo.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay in Hindise-sharciyeedka Batroolka ay u codeeysay 28 Senator, waxaana haa ku ogaalatay 24 Senator, halka ay ka aamuseen 4 Senator mana jirin cid diiday, sidaas ayuuna ansax ku yahay.

Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare sida ay u meel mariyeen sharcigan.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dagaal kula jirta Ayaxa dhibaatada ku haya beeraleyda “SAWIRRO”

Next Post

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarunta Dr Kadare “SAWIRRO”

Next Post
Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarunta Dr Kadare “SAWIRRO”

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarunta Dr Kadare “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In