Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2020
in Wararka
0
Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa uu ka mid ahaa  ajnabiga argagixisada Al-Shabaab oo uu muddo ka tirsanaa, fariin cod ah oo uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka.

Ninkaan  aan la helin wadanka uu u dhashay weli, balse magaciisa lagu sheegay Zubair Al-Muhajir ayaa sida uu sheegay muddo tobaneeyo sano ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, wuxuuna fariinta kusoo duubay luqadda Soomaaliga oo la fahamsan yahay inuu bartay mudada uu waddanka joogay.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Zubair wuxuu adeegsanayaa hadalo adag oo liddi ku ah argagixisada Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan marnaba ku dhaqmin shareecada Islaamka, sidoo kalana wuxuu banaanka soo dhigay sababta ka dambeysa dilka loo geystay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan horjoogeyaasha sare ka mid ahaa.

Sida fariinta codka ah laga ka muuqata Zubair iyo xubnaha sare ee Al-Shabaab wuxuu khilaafkooda soo bilowday sanadkii 2009, wuxuuna leeyahay iskuma aanan raacin qaraxii Hotel Shaamow, wuxuu sheegay inuu hogaanka u hayay guddiga garsoorka oo ay ku jireen Ahmed Godane , Fu’aad Khalaf iyo Ibraahim Afghan.

Zubair wuxuu fariintiisa ku xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, sidoo kalana ay isaga xabsi 3-sano ah galiyeen. sababta dilka ay Afghan iyo raga kalena ay  aheyd sida uu sheegay in looga baqay hogaanka kooxda

Ninkaan ayaa sheegay inuu hadda ka baxay malleeshiyada Al-Shabaab ee ajnabiga ah, wuxuu uga digayaa dhalinyarada iney dhiigooda u huraan kooxdaas uu ku sheegay ineysan sida saxda ah u adeegsan diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay sidoo kale inuu dhiiga Muslimka agtooda ka yahay wax aad u raqiis ah.

Sidoo kale wuxuu kashifay in sababta ay u diideen ku biirista Daacish ay tahay iney diidanayeen in la maamulo sidii ka dhacday Nigeria, waana sababta ay xukunka iney heystaan u doorbidayaan mar walba.

Zubair wuxuu aaminsan yahay hadda in diyo lama meg lagu leeyahay Al-Shabaab maadaama ay qirteen qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye, isagoo waliba ka warqaba sida uu qirtay in mar walba ay yahiin kuwa aan xaalad walba shareecada waafajin.

Intaas waxaa sii dheer inuu Al-Shabaab ku yiri: “Hadii aadnaan isku dhaqeynin diinta, dhalinyarada ha marin-habaabina”

Ugu dambeyntii Zubair wuxuu dareensan yahay in Al-Shabaab ay isku dayi doonaan dilkiisa, sida uu yiri, balse wuxuu fariintiisa codka ah ku sheegay inuusan ka baqeynin geerida, sidoo kalana uu sii wadi doono inuu sheego xaqiiqada inta laga ogaanayo diin la’aantooda, waa siduu hadalka u dhigaye.

Previous Post

Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo sheegay in weli aan la gaarin xiligii la bilaabi lahaa howlgallada Batroolka

Next Post

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In