Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday  Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kampala.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo uu wehliyo Taliye xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise iyo wafdi la socdo oo maalmahan safar shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta soo booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku leedahay.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur oo safaaradda kusoo dhaweeyay ayaa uga warbixiyay wafdiga sida ay diblumaasiyiinta safaaradda ugu shaqeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo marxalahii ay soo martay safaaradda ilaan1973 oo ahayd markii safaaradda la furay

Siihayaha ayaa sidoo kale taliyaha iyo taliye xigeenka u sharaxay qaabka ay safaaradda u shaqeyso iyo howlaha ay u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, waxa uuna siihayaha sheegay in hada safaaradda shaqo fiican u hayso.

Dhankiisa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka mahadnaqay sida safaaradda loogu soo dhaweeyay, isagoo sheegay in laga shaqeeyo safaaradda sidii muuqaalkaada loo sii qurxin lahaa.

Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale madaxda ku amaanay hoosha fiican ay u haayaan shacabkooda Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska, Taliye xigeenka Ciidanka Xooga wafdiga la socda ayaa maalinta bari ah shir uga furmi doonaa magaalada Kampala oo kasoo qayb galayaan taliyaasha hay’adaha amniga ee dalalka Afrika.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay UN-ka iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Next Post

Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Next Post
Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In