Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka warbixinayay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, si gaarana gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Koronaha, dad badanna dalka Shiinaha ugu dhinteen qaar kalene la il daran yihiin.

Safiir Cawaale Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso.

Danjire Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo.

Ugu dambeyntii Safiirka Safaaradda J. F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa si guud ugu baaqay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha ku nool in ay lasoo xariiraan safaaraddooda iyagoo kusoo diraya Email-kan [email protected].

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”

Next Post

Duqeyn ka dhacday Jilib oo Khasaare Xooggan lagu gaarsiiyey Argagixisada Alshabaab

Next Post
Duqeyn ka dhacday Jilib oo Khasaare Xooggan lagu gaarsiiyey Argagixisada Alshabaab

Duqeyn ka dhacday Jilib oo Khasaare Xooggan lagu gaarsiiyey Argagixisada Alshabaab

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In