Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WHO oo Cudurka ka dillaacay Shiinaha u aqoonsatay xaalad deg-deg ah

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
WHO oo Cudurka ka dillaacay Shiinaha u aqoonsatay xaalad deg-deg ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Caabuqa ka dillaacay Shiinaha (Coronavirus) u aqoonsatay xaalad deg-dedeg ah oo Caalami ah, kadib kulamo iyo baaris ay sameysay Hay’adda.

Tedros Adhanom, oo ah Madaxa Caafimaadka WHO ayaa sheegay in sababta xaaladda deg-degga  ah loogu dhawaaqay aysan ahayn Shiinaha oo kaliya, balse ay tahay sida uu ugu sii faafayo Caalamka intiisa kale.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026

Dadka u dhintay Cudurka Shiinaha ayaa hadda gaaray 170 Qof, waxaana walaac laga qabaa in uu saameeyo Dalalka aan awoodda u lahayn in ay ka hortagaan ama aan haysan adeeg caafimaad oo tayeysan.

Warbixinta Hay’adda ayaa sheegeysa in ku dhowaad 100 kiis oo la xiriira cudurka laga helay 18 Waddan, inkastoo Dalalkaas aan dhimasho laga soo sheegin.

Magaalada Wuhan ayaa go’doosan, iyada oo Dowladda Shiinaha kordhisay adeegyada xagga Caafimaadka ah ee loo fidinayo Dadka laga helay calaamadaha cudurka coronavirus.

Dalka Shiinaha oo keliya dhimashada ayaa haatan gaareyso  213 Qof, waxaana Kiiska laga helay Dad gaaraya 9.672, halka Waddamada uu ku faafayna ay gaarayaan 18 Dal, waloow ay jirto baqdin ah in uu sii baaho.

Previous Post

Caruur ku geeriyootay baraag biyo oo ku taala deegaanka Shilaabo

Next Post

Degmada Hobyo oo ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah

Next Post
Degmada Hobyo oo ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah

Degmada Hobyo oo ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In