Saturday, August 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Dowladda Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan Qaramada Midoobay Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 11, 2020
in Afrika, Caalamka, Wararka
0
Dowladda Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan Qaramada Midoobay Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyo baahiyaha arrimaha Beni’aadannimada sanadka 2020-ka iyadoo loo eegaayo dagaallada waqtiga dheer iyo roobabka xilligan oo aanan da’in cimilada darteed.

Sanadkan, Norway ayaa bixinaysa lacag dhan 420 milyan oo ah Shilinka Norway taasi oo ay ugu deeqayso Santuuqa Dhexe ee Ka jawaaba xaaladaha deg-degga ah ee QM kaasi oo loo soo gaabiyo (CERF) iyo Sidoo kale 90 milyan oo ay siinayso xafiiska Isku xirka Arrimaha Beni’aadannimada Qaramada Midoobay ee UN (OCHA).

Related posts

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

August 9, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Eriksen Søreide oo ka hadashay arrintani ayaa sheegtay ‘In Kharashkani ay bixinayso Norway lagu xaqiijinayo si ay uga caawiso

In hay’adaha ay ka jawaabaan meelaha ugu saameynta badan oo ay ka jiraan arrimaha beni’aadantinimada, iyadoo ay barbar socoto istaraatijiyadda dhanka beni’aadantinimada’, ayay tiri Ine Marie Eriksen Søreide.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lagu qiyaasay, 167.6 milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaarka beni’aadantinimada iyo hooy sanadkan 2020.

Iyadoo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa codsigii ay u jeedisay dunida ay ku codsatay sanadkan 2020-ka is la siiyo lacag dhan 28.8 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Norway ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya Sanduuqa Dhexe ee Ka Jawaabista Xaaladaha Deg-degga ah ee Qaramada Midoobay ee Loo soo gaabiyo (CERF).

CERF waxay xaqiijinaysaa in kaalmada si dhaqsiyo badan loo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen mashkiladaha dhinaca beni’aadantinnimada. Waxaana ay sidoo kale bixinaysaa lacagaha sida aadka ah loogu baahanyahay ee loogu talo galay in lagu kharash gareeyo xaaladaha deg-degga ah.

Sanad walba, 20 milyan oo qof ayaa hela kaalmada caafimaadka degdegga loogu baahan yahay iyadoo loo soo marsiiyo hay’adda CERF, halka 10 milyan oo qof ay helaan gargaar cunno. Sanadkii 2019-kii, CERF waxay kharash gareysay 47 dal si loo yareyo mashkiladaha ka taagan dhinaca beni’aadannimada kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Soomaaliya, Jibuuti, Yemen iyo Dalka Venezuela.

Sanadkani, CERF waxay gacan ka geysatay sidii looga hortagi lahaa xalna loogu heli lahaa Anyaxa Saxareedka oo dhibaato badan ku haya wadamada Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale gacan ka geysatay sidii hooy iyo hu loo gaarsiin lahaa meelaha dadka ay sida aadka ah baahi ugu qabaan sida goobaha dagaalku haleelay ee Dalka Niger. Qaramada Midoobay ayaa waxay door ka qaadata xaqiijinta isku xirka, Qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha Beni’aadannimada.

‘Sida wanaagsan ee Qaramada Midoobay waxa ay muhiim u tahay xaqiijinta in tallaabo beni’aadannimo ay ka shaqeysiin karto si wax looga qabto dadka ay wajaheen mashaakilaadyada ugu badan. Xiriiriyeyaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku xirka Arrimaha Gargaarka ee (OCHA) ayaa iyaguna ka qaata doorkoodu muhiimka’, sidaasi waxaa sheegtay wasiirka Arrimaha dibadda Norway Ms Eriksen Søreide.

Sanadka 2020-ka, Norway waxay bixinaysaa 90 milyan oo doolar oo lagu kharash gareynayo dadaalada  hay’adda OCHA si korloogu qaado tallaabada isku xiran ee beni’aadannimada. Sidoo kale, waxay Norway, waxay taageero ku bixin doontaa xafiisyada ay ha’adda OCHA kuleedahay wadamada iyo dhaqaale kale oo loogu talo galay wadamada aadka unugul ama saboolnimada ay ka jirto.

Mid kamid ah shaqada beni’aadannimada ayaa ah in la xaqiijiyo badbaadada islamarkaana la saacido dadka gudaha ku barakacay. Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan ee (UNHCR), in ka badan 41 milyan oo qof oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa lagu barakiciyay gudaha wadamada dhammaadkii sanadkii 2018-kii. Tiradani ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaana jirta baahi loo qabo si loo kordhiyo jawaabta laga bixinayo arrintani.

3-dii bishii Diceember sanadkii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aas aasay guddi heer sare ah oo ka shaqeya arrimaha barakacinta, waxaan loo xilsaaray in tallooyin ka keenaan sidii dalalka ay kunool yihiin dadka barakacay ay u siin lahaayen badbaadada ay u baahan yihiin, iyo sidii xulal waara looga gaari lahaa mashkiladaha ku gidaaman dadka soo barakacay.

Norway waxay si fir fircoon u taageertay hindisahan waxayna ku bixin doontaa 6.55 milyan oo lagu maalgelinayo miisaaniyadda sanadkani ee Beni’aadannimada taasi oo uu Xoghayaha Guud u dhisay sidii loo taageeri lahaa in Guddigani uu Shaqeeyo.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed ‘Johannesburg’

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka Labaad ee KG oo sheegay in ay ku soconayaan habraacyadii hore

Next Post

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Next Post
Dowladaha Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

Wasiir Fiqi oo faahfaahiyay tirada Khawaarijta looga dilay hawlgalkii Shabeellaha Hoose

August 9, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose,...

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta isbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

August 8, 2025
0

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal...

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

August 8, 2025
0

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In