Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 12, 2020
in Wararka
0
Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan cunnada iyo beeraha (FAO), ayaa afartan doomood oo ah nuuca Huurida, waxa ay maanta ku wareejisay kalluumeysato ka kala socota dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Deeqda doomahaha ah oo qayb ka ah barnaamijka shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo yareynta saboolnimada ayaa u fududeyneysa kalluumeysatada danta yar inay si fudud ugu soo jillaabtaan maadaama doomuhu aysan uga baahneyn, Matoor, shidaal iyo Dayactir

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Munaasadda doomaha lagula wareejinayay kalluumeysatada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada shaqada Hirshabeelle iyo Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed, Cabdiqani Cabullaahi Maxamed.

Cabdiqani Cabullaahi Maxamed ayaa FAO uga mahadceliyay taageerada iyo shaqo abuurka ay la garab taagantahay ummadda Soomaaliyeed, waxuuna ugu baaqay dadka deeqda la siiyay inay ka faa’iideystaan oo ay ku dadaalaan sidii iyana ay u noqon lahaayeen dad isku filnaada kadibna bulshada caawiya.

Dr. Xuseen Cali Axmed oo ku hadlay afka FAO ayaa kalluumeysatada deeqda la siiyay kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah.

Doomahaan oo ka sameysan fiberglass ayaa ah kuwa adkeysi badan, aan cilladoobeyn, sannado badan lagu shaqeysan karo, waxaana sidoo kale doomaha deeqda ah la socda dhammaan agarbka kale ee lagama maarmaanka ku ah kalluumeysatada xilliga ay jilllaabanayan.

FOA ayaa Kalluumeysatada ay doomaha ugu deeqday waxa ay maalmihii tegay Muqdisho ugu qaatay tababar lagu baranayo hannaanka ay u kalluumeysanayaan, bedqabkooda, agabka ay u baahanyihiin inay horay u sii qaataan marka ay jillaabasho teegayaan iyo hadii ay khatar ka kulmaan sida ay gurmad u dalban karaan.

Kalluumeysatada ka faa’iideystay tababarka oo ah afartan badmaax ayaa ka mahad celiyay tababarka iyo deeqda oo ay sheegeen in wax badan ay kusoo korhdin doonto qaab nololeedka qoysaskooda iyo deegaannadooda.

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Next Post

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Next Post
Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In