Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan cunnada iyo beeraha (FAO), ayaa afartan doomood oo ah nuuca Huurida, waxa ay maanta ku wareejisay kalluumeysato ka kala socota dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Deeqda doomahaha ah oo qayb ka ah barnaamijka shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo yareynta saboolnimada ayaa u fududeyneysa kalluumeysatada danta yar inay si fudud ugu soo jillaabtaan maadaama doomuhu aysan uga baahneyn, Matoor, shidaal iyo Dayactir

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026

Munaasadda doomaha lagula wareejinayay kalluumeysatada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada shaqada Hirshabeelle iyo Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed, Cabdiqani Cabullaahi Maxamed.

Cabdiqani Cabullaahi Maxamed ayaa FAO uga mahadceliyay taageerada iyo shaqo abuurka ay la garab taagantahay ummadda Soomaaliyeed, waxuuna ugu baaqay dadka deeqda la siiyay inay ka faa’iideystaan oo ay ku dadaalaan sidii iyana ay u noqon lahaayeen dad isku filnaada kadibna bulshada caawiya.

Dr. Xuseen Cali Axmed oo ku hadlay afka FAO ayaa kalluumeysatada deeqda la siiyay kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah.

Doomahaan oo ka sameysan fiberglass ayaa ah kuwa adkeysi badan, aan cilladoobeyn, sannado badan lagu shaqeysan karo, waxaana sidoo kale doomaha deeqda ah la socda dhammaan agarbka kale ee lagama maarmaanka ku ah kalluumeysatada xilliga ay jilllaabanayan.

FOA ayaa Kalluumeysatada ay doomaha ugu deeqday waxa ay maalmihii tegay Muqdisho ugu qaatay tababar lagu baranayo hannaanka ay u kalluumeysanayaan, bedqabkooda, agabka ay u baahanyihiin inay horay u sii qaataan marka ay jillaabasho teegayaan iyo hadii ay khatar ka kulmaan sida ay gurmad u dalban karaan.

Kalluumeysatada ka faa’iideystay tababarka oo ah afartan badmaax ayaa ka mahad celiyay tababarka iyo deeqda oo ay sheegeen in wax badan ay kusoo korhdin doonto qaab nololeedka qoysaskooda iyo deegaannadooda.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” SAWIRRO

Next Post

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Next Post
Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In