Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay ololaha qaadista cabshuuraha kala duwan ee Caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay ololaha qaadista cabshuuraha kala duwan ee Caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Hoose Xamar ayaa xarunta Gobolka Banaadir kusoo bandhigtay Gaadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta canshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaaddiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan qidmadda ku waajibtay.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadi jaray, waxaana daah-furay ololahaani Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026

Agaasimaha waaxda Canshuuraha Dowlada Hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa tilmaamtay muhiimadda ay bulshada  u leedahay bixinta canshuurta.

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay u wacyigaliyaan bulshada, islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.ayay tiri Ayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim dheere) ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan Musuq-Maasuqa.

“Bixinta canshuuraha waxay ka turjumeysaa sax ahaanshaha muwaadinnimada waana waajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, ka maamul ahaan waxaa naga go’an la dagaallanka Musuq-Maasuqa”ayuu yiri Ibraahim dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta canshuuraha si loogu guuleysto hirgelinta mashaariicda ee adeegyada Bulshada.

“Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay” ayuu yiri Cumar Filish.

Previous Post

Deegaanka Ooda-gooye ee gobolka Sool oo dab ka kacay.

Next Post

Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In