Madaxaweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaanno heer Fedaraal ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay koonfur Galbeed ayaa maanta kormeeray Goroonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.
Madahaweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu horen xariga ka jaray qeyb ka mid ah garoonka oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur Galbeed ay dayactir ku sameysay.
Qeybta dayactirka lagu sameeyay ayaa waxay ahaan jirtay meel biyo fariisin ah oo dadka iyo Gaadiidka isticmaala dhibaato badan ay ku qabeen, laakin xilligan waxay u muuqataa mid sifiican loo dayactiray, waxaana la dhigay dhagaxaanta loo yaqaaano Interlog ama kabal istoon.
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa intaasi kadib, kormeeray Terminaalka cusub ee laga hago diyaaradaha ee la dhisayo, kaas oo dhismihii xilligan meel wanaagsan ay marayaan.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad Goballeedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay wado qorsheyaal kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfur Galbeed.
Mudane Cabdicasiiis Xasan Maxamed Madahaweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa si aad ah u ammaaney howlaha baaxadda leh ee ay Wasaaraddu u hayso bulshada, waxaana uu ku dhiiragaliyey Wasaaradda iney sii laba jibaarto shaqada shacabka u hayso.
Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wada qorsheyaal dib loogu dhisayo goobaha danta guud ee ku burburay colaadihii sokeeyey ee dalka ku habsaday .