Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

RW Kheyre: Bogga cusub ee siyaasada Soomaaliya (Qormo)

admin by admin
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
RW Kheyre: Bogga cusub ee siyaasada Soomaaliya (Qormo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa xilka ra’isulwasaaraha loo magacaabay 23 Febraayo 2017 kii 15 maalmood kadib doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maalmo ka hor waxay aheed sadax guuradii ka soo wareegtay magacaabstiisa waa ra’isulwasaariha ugu waqti dheer marka laga hadlayo joogista kursiga wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka 20 kii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Tani waxa ay ku timid wadashaqeynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre

Waxa dhalisay guulaha laga gaaray hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya sida

  • Dib u habeynta nidaamka maamulka maaliyada oo suura galiyaya kordhinta daqliga dalka, bixinta mushaaraadka shaqaalaha, bixinta iyo kordhinta mushaaraadka Ciidanka qaranka, kordhinta miisaaniyada dowladda, caalamka oo aaminay nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo guusha Soomaaliya ka gaartay wadahadalka deyn cafinta oo heer gabogaba ah maraya.
  • Dib u habeynta Hey’adaha Amniga sida: Tirakoobka Ciidanka qaranka si loo hubiyo xaqa ciidanka, kordhinta mushaaraadka ciidanka oo askari walbaa loogu daray mushaarkii uu qaato 70 doolar, dib u dhiska iyo tayaynta ciidanka, iyo xaqiijinta in goobaha laga xoreeyo argagixisada ay ku nagaadaan ciidanka qaranka.
  • Dib u habeynta shaqaalaha rayidka ah sida: tirakoobka Shaqaalaha si loo hubiyo inaanu hal qofi mushaaraad joogta ah ka qaadan laba hey’adood oo dowli ah waxaana tirakoobkaasi ku soo baxay dad aad u badanoo oo laba mushaar ka badan qaadanayay.
  • Waxaa Meesha ka baxay isqabqabsigii Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha iyo mooshinkii joogtada ahaa ee ka dhanka ahaa xukuumada ee ka iman jiray  Barlamaanka waxaana badalay wadashaqeyn iyo wadajir.

Waxaa muuqda waa aragti mideysan oo Madaxweynaha iyo ra’isulwasaaruhu leeyihiin si loo wajaho howlaha horyaala.

Ra’sulwasaare Kheyre waa sadax jirsaday hubinta waxaase waqtiga xukuumada iyo Barlamaanka  ka haray sanadkaan, sadaasha waxa ay u badan tahay in ay  wada dhameysan doonaan isaga iyo Madaxweynaha mudada xilheynta waana bog cusub oo u furmay siyaasada Soomaaliya.

Tani waxa ay dhabaha u xaaraysa helida mustaqabalka hogaan mideysan oo muhiimad gaar ah siiya wadashaqeyntooda, waqtiga u haray dowladda waa kooban yahay waxaana looga fadhiyaaa doorasho qof u cod ah oo mawaadiniinta fursad u siisa in ay doortaan hogaankooda.

Previous Post

Madax ka tirsan XFS oo ka qeyb galay Shir ka furmay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan.

Next Post

Horjoogihii Al Shabaab Ee Horkacayay Weerarkii Manda Bay Oo La Khaarajiyay

Next Post
Horjoogihii Al Shabaab Ee Horkacayay Weerarkii Manda Bay Oo La Khaarajiyay

Horjoogihii Al Shabaab Ee Horkacayay Weerarkii Manda Bay Oo La Khaarajiyay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In