Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iran oo shaacisay in Caabuqa Coroona laga helay 4 Xildhibaan oo katirsan  Baarlamaanka dalkaas

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Iran oo shaacisay in Caabuqa Coroona laga helay 4 Xildhibaan oo katirsan  Baarlamaanka dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cali Wakiili Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Cudurka Coroona uu faroba’an ku hayo dalka Iiraan, isla markaana laga helay 4-xubnood oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iiraan iyadoo la ogaaday kadib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyey.

Wakiili wuxuu warbixintan kusoo daabacay barta uu ku leeyahay “Twitter-ka”, isagoo  xaqiijiyay in afarta xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ay kamid ahaayeen 30 qof oo baaritaan caafimaad lagu sameeyey, balse wuxuu diiday in magacyadooda la sheego.

Related posts

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Iiraan ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in tiradda dadka u dhintay cudurkan ay kor u dhaaftay 26 qof, sidoo kale dadka cudurkan laga helay ayay Wasaaraddu ku sheegtay inay gaarayaan 245 qof, kuwaas oo cudurkani ku dhacay iyagoo ku sugan gudaha dalka iiraan.

Fayraska Coroona ayaa markii ugu horraysay kasoo bilaabmay magaalada Wuhan ee dallka Shiinaha 12 December  2019, kaasoo xiligan soo dhaafay dalkaasi kuna faafay dalal badan oo caalamka kamid ah isagoo galaaftay nolosha kumanaan qof.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa  goor sii horeysay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer caalami ah si looga hortago faafitaanka viruska, maadaama uu cudurku si deg deg ah u faafayo saacad kasta iyo maalin kasta loona baahan yahay in caalamku ka feejignaado.

Turjumidii : Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Baarlamaanka Turkiga oo si-xoogan u dhalleeceeyay Weerarkii lagu qaaday ciidanka Turkiga ee Idlib

Next Post

Laamaha Ammaanka Boosaaso oo soo saray Miino

Next Post
Laamaha Ammaanka Boosaaso oo soo saray Miino

Laamaha Ammaanka Boosaaso oo soo saray Miino

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda...

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
0

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In