Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjie Qin Jian ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaaladda carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaan wacyigelin, agab iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus iyo qalabka looga hortagi karo, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin”, Safirka Shiinaha, Qin Jian ayaa ka sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi.

In ka badan 90,000 qof ayuu asiibay cudurka Corona-Virus guud ahaan caalamka, waxana hadda u daran Shiinaha, Koonfur Kuuriya, Japan, Iiran iyo Talyaaniga, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo cudurkan in uu ku faafo dunida  oo dhan ah.

Previous Post

U diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo laga shiray

Next Post

DAAWO: Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka oo dilay Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab.

DAAWO: Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In