Shirka Agaasimeyaasha Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Xoghayaha Joogta, Agaasimeyaasha Waaxyaha, ayaa diiradda lagu saaray qorshe hawleedyada Waaxyaha Wasaaradda ee saddex biloodka ah waxa ka qabsoomay, kuwaas oo aad loogu darsay waaxyaha Agaasimaha Istaatikada, Qorsheynta, Qiimeynta, Kormeerka Maamulka iyo Shaqaalaha iyo Unugyada, Hay’adaha, Xafiiska Xal-waarida Barakacaayasha iyo Xafiiska Mashaariicda Midowga Yurub ( NAO).
Agaasimyaasha ayaa soo bandhigay waxybaaha u qabsoomay Bilaha January, February March iyo waxyaabaha u qorsheysan In la qabto.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo halkaas ka hadlay uu yari: “Waxaa inoo qabsoomay aruurinta xogaha Kalluumeysiga, Waxbarashada, Caafimaadka, gender-ka oo lagu soo daabaci doono buugga Fector, Sidoo kale waxa meel wanaagsan maraya hir-galinta Qorshaha Qaranka iyo Qorshaha howleedka Hay’adaha Dowladda”.
Waxa kale oo uu intaas ku daray: “Kormeerka iyo Qiimeynta oo si hufan u wada shaqooyinka socda iyo hirgalintooda”.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha Horumarinta Qaranka hirgalintiisa iyo Qorshe howleedka Wasaaraddaha Dowladda Faderaalka Soomalaiya sidii Qiirmeyn iyo dabgal loogu sameyn lahaa iyo Tababarada Shaqaalaha dowladda sidii loo kobcin lahaa aqoontooda.
W/Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahim