Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababare Ibraahim Suudaani oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Tababare Ibraahim Suudaani oo ku geeriyooday dalka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariiste Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa ku geeriyooday tababarihii hore ee Xulka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Kooxda Horseed Football Club, Macalin Ibraahim Maxamed Xersi (Ibraahim Suudaani).

Marxuumka oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanaa dalka Mareykanka ayay maanta tiisii noqotay, sida ay xaqiijiyeen eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026

Allaha ja u naxariistee waxa uu ku dhashay Dalka Eretareeya sanadkii 1944-kii, waa uu yaraantiisii ku soo kala barbaaray Dalalka Eretareeya, Itoobiya iyo Suudaan, kadibna waxa uu yimid Soomaaliya oo ka soo kala noqday Ciyaartooy iyo Tababare.

Tababare Ibraahim Suudaani ayaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed tababare u soo noqday intii u dhaxeysay 1977-kii illaa 1979-kii.

Sidoo kale intii u dhaxeysay 1976-kii illaa 1980-kii ayuu tababare u soo ahaa Horseed Football Club, isaga oo kula guuleystay koobab fara-badan.

Macalin Ibraahim Suudaani ayaa ka mid ahaa Macalimiintii Kubadda Cagta ugu wanaagsaneyd ee dalkeena soo maray.

Previous Post

Maxakamadda Darajada 1-aad oo Dable Xoogga Dalka ku xukuntay dil toogasha ah

Next Post

Safiirka Turkiga ee Soomaliya oo booqday Isbitaalka Yardimeli

Next Post
Safiirka Turkiga ee Soomaliya oo booqday Isbitaalka Yardimeli

Safiirka Turkiga ee Soomaliya oo booqday Isbitaalka Yardimeli

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

January 8, 2026
0

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In