Ciidamada Amniga Maamulka Puntland ayaa xalay Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyay guryo ku yaalla Boosaaso, waxaana inta uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad badan u dhalinyao, kuwaasi oo loo maleynayo inay xirrir la leeyihiin Kooxo ay ku sheegeen inay Cadow yihiin.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka amniga maamulka Puntland ee (PSF) ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hor tagayay falka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca xarumaha dowladda, Saldhigyada Ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida Masaajida iyo Suuqyada Magaalada Boosaaso.
โCiidanka PSF oo kaashanaya shacabka Magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah, kuwaas oo baaritaano ku socdaanโ ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka (PSF).
Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidanka (PSF) ayaa u mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Boosaaso, iyagoona ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca Boosaaso.