Kiiskii ugu Horeeyay ee carona Virus waxa laga Soomaaliya 16 kii maarso sida ay xaqiisay Wasiirka caafimaadka Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo Warbaahinta Qaranka kala hadashay bulshada
COVID19 ama Corona Virus waaa xanuun faafidiisu fududahay fara ba’anna ku haya caalamka waxaa la diiwaan galiyay dunida oo dhan ku dhawaad 200 oo kun oo kiis.
Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa qaaday talaabooyin lagula tacaalayo cudurka Corona virus laguna xakameynayo faafidiisa waxaana ka mid ah.
- Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay goob lagu karantiilo dadka looga shakiyo ama qaba cudurka Coronavirus
- Dowladda waxa ay isbitaalka Martiina ka dhigtay isbitaal u gaar ah la tacaalida cudurka COVID19
3. Dowladda waxa ay joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka ka baxa ama soo gala
4. Dowladda waxa ay 5 Milyan oo Dollar u qoondeysay la dagaallanka cudurka COVID19
- Dowladda waxa ay go’aamisay in Jaamacadaha iyo iskuullada la xiro mudo 15 maalmood ah
- Dowladda waxa ay wada hadallo kula jirtaa hey’adaha dhaqaalaha adduunka si ay uga hesho taageero dhaqaale oo lagu kabo midka dowladda kula tacaaleyso COVID19
- Dowladda waxa ay sameysay farriimo wacyigelineed oo ka baxaya warbaahinta Qaranka si bulshada loogu baraarujiyo qatarta COVID19
- Dowladda waxa ay bulshada ugu baaqday in la joojiyo isku imaatinka dadweynaha