Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdigii Wasiirada ahaa ee ka qeyb galay Shirka wadatashiga Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ee socday intii u dhexeysay 15-17 Maarso ayaa kulan ay yeesheen ka soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan qodobada ay shirka ku taageereen iyo kuwa ay ka soo horjeedaan.

Wasiirada ayaa War-saxaafadeedkooda ku xusay inay soo dhaweynayaan hadalkii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ee ahaa in uu tegayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu kulamo ula qaato Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay Wasiiradu diidanyihiin go’aamada lagu sheegay Warmurtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda Federaalka oo aan ka turjumeynin hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka.

Wasiirada ayaa daboolka ka qaaday inay ka xunyihiin erayadii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku u geystay dowlad goboleedyada kale taasi oo aan qeyb ka ahayn ajendihii, hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka

Wafdiga Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ayaa u rajeeyay in shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ku dhex mari doono Muqdisho in uu ku soo dhamaado isfaham, wadashaqeyn iyo guul lagu gaaro danta Ummadda Soomaaliyeed.

Halkan kala deg War-saxaafadeedka 

War Saxaafadeed Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ka soo Qaybgalay Shirka Wadatashiga Puntlad 15

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay dayn cafinta + Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Next Post
Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In