Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdigii Wasiirada ahaa ee ka qeyb galay Shirka wadatashiga Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ee socday intii u dhexeysay 15-17 Maarso ayaa kulan ay yeesheen ka soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan qodobada ay shirka ku taageereen iyo kuwa ay ka soo horjeedaan.

Wasiirada ayaa War-saxaafadeedkooda ku xusay inay soo dhaweynayaan hadalkii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ee ahaa in uu tegayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu kulamo ula qaato Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay Wasiiradu diidanyihiin go’aamada lagu sheegay Warmurtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda Federaalka oo aan ka turjumeynin hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka.

Wasiirada ayaa daboolka ka qaaday inay ka xunyihiin erayadii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku u geystay dowlad goboleedyada kale taasi oo aan qeyb ka ahayn ajendihii, hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka

Wafdiga Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ayaa u rajeeyay in shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ku dhex mari doono Muqdisho in uu ku soo dhamaado isfaham, wadashaqeyn iyo guul lagu gaaro danta Ummadda Soomaaliyeed.

Halkan kala deg War-saxaafadeedka 

War Saxaafadeed Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ka soo Qaybgalay Shirka Wadatashiga Puntlad 15

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay dayn cafinta + Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Next Post
Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Dhageyso Barnaamijka imaqashii ee Radiomuqdisho 20-03-2020

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In