Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, Waxa ay sheegtay in ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa maalinta ay yimaadaan dhammaan Muwaadiniinta ka yimaadda dalalka kala ah.
- Shiinaha
- Yurub
- Maraykanka
- Koonfurta Kuuriya
- Australia
- Canada
- Turkiga
- Pakistan
- Masar
- Hindiya
- Imaaradka Carabta
- Malaysia
- Sacuudiga
- Koonfur Afrika
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta fasaxday duulimaadyadda caalamiga ah muddo labo maalmood ah si ay dalka u yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Caalamka ku xayiran .
Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka