Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah furay ololaha wacyigelinta ka hortagga cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah furay ololaha wacyigelinta ka hortagga cudurka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah furay ololaha wacyigelinta ka hortagga cudurka COVID-19 oo dhibaato adag ku haya nolasha iyo horumarka caalamka.

Aqalka Dowlada Hoose ayaa lagu soo bandhigay gaadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyaal loogu talagalay in bulshada lagu gaarsiiyo fariimaha wacyigalinta ee ka hortagga Coronavirus.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Caddow ayaa sheegay inay tababaro siiyeen shaqaalaha waaxda caafimaadka si bulshada ay u siiyaan wacyigelin joogto ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’antahay wacyigelinta bulshada, isla markaana la joogteyn doono.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ay xoojin doonaan ololaha wacyigelinta, isagoo xusay in la diyaariyay goob lagu karantiilayo dadka ka imaanaya wadamada uu ka jiro cudurka ee ka soo degaya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

“Waxaan halkan maanta ku daah fureynaa ololihii ku saabsanaa ka hortagga cudurka COVID-19 oo fara badan ku haya Dunida, waxaana halkan diyaar ku ah shaqaale u tababaran wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Previous Post

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ansixinta sharciga ku tilmaamay tallaabo Taariikhi ah

Next Post

Ku Dhawaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Next Post
Ku Dhawaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Ku Dhawaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In