Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee komaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, iyadoo lala beegsaday saldhigyo maleeshiyaadka argagxisada ah ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi lala beegsada kooxda Alqaacida ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed , wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen ilaa seddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyay uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka kan labada ee kale ay argagxisada Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah si ay uga bixinayaan miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada kumaandooska ah ee xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose, si looga xureeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’isul Wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel oo Karantiil gashay

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo muddo isbuuca hakisay shaqada ay u heyso bulshada Soomaaliyeed

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo muddo isbuuca hakisay shaqada ay u heyso bulshada Soomaaliyeed

Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo muddo isbuuca hakisay shaqada ay u heyso bulshada Soomaaliyeed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In