Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaabiga Kuhayo Degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

Howlgallo qorsheysan iyo duqeymo is barbar socday oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB iyo kuwa Mareykanka, ayaa ka fuliyay deegaanno hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa faah faahin ka bixiyey weerarada lala beegsaday kooxaha nabaddiidka argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, oo ay ka burburiyeen ilaa seddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxdaas.

Taliyaha ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyay uu ahaa mid ku yaala tuulada Buulo Xaaji, halka kan labada ay argagxisada Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, isla markaana ay haatan ka wadaan baaritaanno dheeraad ah si ay uga bixiyaan miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka duqeynta lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyoto Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose, si looga xoreeyo qowleysatada cadowga ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhibaateynaya shacabka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga taliyaha

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2020/03/Taliyaha-Ururka-Shanaad-Ee-Ciidamada-Danab-G-lle-Xasan-Maxamed-Aadan-Ciraaqi.mp3
Previous Post

Kalluumeysatada Degmada Hobyo oo dooman casri ah loogu deeqay

Next Post

Mas’uuliyiin kormeer ku tegey deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin kormeer ku tegey deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mas’uuliyiin kormeer ku tegey deegaanka Ceel-dheere oo hoostaga Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In