Daymihii Bangiga Horumarinta Afrika ku lahaa Soomaaliya oo gaarayay 122.55 oo milyan oo doolar waa la tirtiray ayaa lagu yiri qoraal ka soo bangiga waxaana bixinta lacagtaan Soomaaliya ka taageeray dowladda Ingiriiska iyp Midowga Yurub sida uu sheegay Bangigu.
Bangigu waxa uu tilmaamay in tani hoosta ka xariiqayso soo celinta xiriirkii Bangiga iyo Soomaaliya iyo dhamaadka xayiraadii dhaqaalaha ee Soomaaliya saarneed”
Hannaankani waxaa uu soo maray wadiiqo dheer tan 2014 kii waxaa ku jiray dhameystirka nidaamka kooxda la socodka Barnaamijka dayn cafinta ee hey’adda lacagta aduunka oo soo maray afar waji. .
Hannaanka waxa uu lahaa go’aan siyaasadeed aad u sareeya Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ra’sulwasaaraha waxay ka tarjumeen hirgalinta dib u habeynta Maaliyadda kaasi oo kalsooni siiyay hey’adaha dhaqaalaha caalamka sida Bangiga Horumarinta Afirka iyo Hey’adda lacagta Aduunka ayaa lagu yiri warsaxaafaeedka ka soo baxay Bangiga.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u hadlay dowladda ayaa dadka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta gaar ahaan daymihii Bangiga horumarinta Afrika
“ Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray” .
“ Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.”
“Annaga oo ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle
Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika oo ka jawaabayay arinkan aya sheegay in ay taariikhi u tahay Soomaaliya” waxan ku faraxsanahaya in Bangiga Horumarinta Afrika uu kaalintii hogaamineed ee loo baahnaa si Soomaaliya looga cafiyo lacagihii Bangigu ku lahaa, waxay aheed falcelinta awooda ay leedahay wadashaqeynta” Ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika
Madaxweyne Adesina ayaa qiray dadaalka dowladda federaalku ku bixisay hirgalinta dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo kaalinta garab istaaga ee dowladda Ingiriiska iyo Midoowga Yurub
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in si dhaqsi ah ay u bilaabayaan qorshe looga taageerayo Soomaaliya soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta
Bangiga waxa uu Soomaaliya ka wadaa mashruuc dhaqaale oo ay ku baxayso 135 milyan oo doolar oo lagu taageerayo Beeraha, Biyaha Nadaafadda, Gaadiidka, bulshada Tamarta iyo tababarada qeybaha waxsoosaarka dhaqaalaha.