Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay qarixii kooxaha argagixisada ah ay ka geysteen magaalada Garoowe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29ka Maarso 2020: Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo cambaareeyey qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in falkan uu muujinayo sida fuleynimada ah ee argagixisadu ay u caadeysteen gumaadka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay heegan kaga jiraan ka hortagga cudurka Koroona oo ah musiiba calami ah balse argagixisadu oo aan waligood u diir-nixin shacabkeenna Soomaaliyeed ay u arkaan fursad ay ku sii kordhin karaan dhibaatada ay u maleegayaan dadkeenna.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

“Arxan darrada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waa mid qof kasta oo damiir leh uu ka dhiidhiyo. Wakhtiyadii abaaraha adag ay ka dhaceen dalka, fatahaadihii sababay xaaladaha binu aadannimo iyo maanta oo aan la tacaaleyno ka hor tagga cudurka Koroona intaas oo xaaladood iyo kuwo ka adagba argagixisadu waxa ay la barbar socdeen gumaad iyo weeraro bahalnimo ah.”

Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo iyo wadajir kaga gudbaan marxaladahan adag oo gacanna ay iskaga xoreeyaan argagixisada, gacanta kalena ay kaga hortagaan musiibada caalamiga ah ee cudurka Koroona.

Wasiirka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi, wuxuuna ayaa Alle caafimaad deg-deg ah uga barya saraakiisha ciidan iyo dhammaan dadka birmo-geydada ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxaas bahalnimada ah.

DHAMMAAD

Previous Post

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay qasaarihii Al-Shabaab loogu geystay Jannaale

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In