Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

Previous Post

Wasaaradda shaqaalaha oo kordhisay hakinta soo xaadirista shaqaalaha Dowladda

Next Post

Wasaaradda Cadaalladda oo soo saartay amaro ay ku mamnuuceyso boobka dhulalka ciidanka Asluubta

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Wasaaradda Cadaalladda oo soo saartay amaro ay ku mamnuuceyso boobka dhulalka ciidanka Asluubta

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In