Saturday, November 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalalka ku bohoobay Paris Club oo 1.4 Bilyan dollar ka cafiyey Soomaaliya+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dalalka ku bohoobay Paris Club oo 1.4 Bilyan dollar ka cafiyey Soomaaliya+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha faraha badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC).

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah.

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneynaa in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

      

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur galbeed oo lagu wado in ay maanta dhacdo

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur galbeed oo lagu wado in ay maanta dhacdo

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur galbeed oo lagu wado in ay maanta dhacdo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
0

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In