Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadashaqeynayo ciribtirka Al-shabaab

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa ka wadashaqeynaayey si ay cadaadiska argagaxisada Alshabaab uga qaadaan dalka Soomaaliya.

Wadashaqeyntaa ayaa waxaa ka mid ah taageerada hawlgallada dhulka iyo kuwa cirka ah ee ay wadaan Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Sahanka wax lagu ogaado iyo sawaariikhda ee ay diyaaradahan gutaan ayaa aad muhiim ugu ah hoos u dhigidda awoodda Alshabaab oo ay ku beegsan karaan ciidanka meletariga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah dadaal ugu bixinaya yareynta waxyeelada suuragalka ah ee ka iman karta duqeymaha la wado

-Iyada oo ay ugu wacantahay qaddarinta iyo ahmiyadda ay Dowladaha Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya siinayaan Sharciga hubka ee waqrtiga dagaalka ayay Alshabaab ku xiisaabtamaan in Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya aad u dhawrayaan nolosha bani’aadamka taasoo keentay in ay ku dhex-dhuuntaan meelaha shacabka ku badanyahay iyaga oo dadka shacabka u isticmaalaya gaashaan ay uga badbaadaan weerarrada.

Marka duqeyn la summeynayo waxa la qaadaa tallaabooyin muhim ah oo si aad ah loogu yareynayo waxyeelo iyo dhaawac soogaara shacabka halkaa ku dhaqan. War kasta oo sheegaya in shacab wax gaareen si dhab ah ayaa loo baarayaa.

Marka macluumaad cusub oo ku saabsan duqeynta soo yeerto, dib u eegid ayaa lagu sammeeyaa markale. Shuruucdaa ad-adag ee lagu ilaalinayo nolosha shacabka ayaa aad ugu duwan falalka gurracan ee Alshabaab kula kacaan dadka rayidka si ay u abuuraan jawi baqdin leh. Had iyo jeeraalle duulimaadyadaa lagu dul haadayo dhulkaa ayaa waxa laga helaa macluumaad iyo taageero lagama maarmaan u ah dadka Soomaaliyeed oo looga hortagayo waxyeelada ba’an ee baaba’a leh oee ay Alshabaab soo maleegayaan; Si marka ciidanka Xoogga Dalka, Danab iyo xoogagga AMISOM dusha looga ilaaliyo. Nolosha dadka rayidka ah looga badbaadiyo walxaha qarxa, iyada oo nolol maalmeedkooda looga dhigo mid amaan ah, oo kolkaa hogaamiyeyaasha Alshabaab looga hori karo goobta dagaalka.

Tusaale, markii Alshabaab isku dayeen in ay xero-taraaraan xerada Meleteri ee Ballidoogle haddii aysan jirin taageero dhinaca hawada ah Alshabaab waxa ay geysan kareen dilka nolosha ciidanbadan oo Soomaaliyeed iyo shacab ba.

Tusaale kale ayaa ah sababta ay hawlgalka taageerada cirka u tahay lagama maarmaan markii la xoreynayey Magaalada Jannaale ayaa taageerada Ciidanka Mareykana loo isticmaaley in hawada ka taageeraan ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM intii uu socday hawlgalka.

Taageeradan ayaa si aad ah u dhintay awoodda Alshabaab ay ku dagaalami kareen islamarkaana hoos u dhigtay waxyeellada soo gaari kartay ciidamada saaxiibada intii uu socday duulaanka.

Waajibka koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka saran shacabkeeda ayaa ah in ay dhawrto nolosha, hantida iyo xorriyadda dadkeeda. Si taa loo meelmariyo ayay Dowladda Soomaaliya ku qasbantahay in ay sii waddo la dagaalanka kooxda argagaxisada ee xiriirka la leh Alqaacida ilaa laga dabarjaro.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ba waa in ay gacmaha isqabsadaan si loo wajaho kooxdan Kansarka ah.

Sanadihii tagay ayaan kusoo caano-maalnay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah maxaa yeelay Alshabaab ayaa sii wiiqmaya. Garab istaagga saaxiibadeena caalamiga ah darteed ayay Soomaaliya markale noqon doontaa dhulkii barwaaqada iyo nabadda.

Previous Post

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Ra’isul Wasaarihii Hore Nuur Cadde

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 02-04-2020

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 02-04-2020

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 02-04-2020

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In