Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoogaga Hubaysan ee Dawladda Liibiya oo Sheegay inay la Wareegeen Awoodda Dalkaas.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Xoogaga Hubaysan ee Dawladda Liibiya oo Sheegay inay la Wareegeen Awoodda Dalkaas.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoogaga hubaysan ee ciidamada Dawladda Liibiya isla markaana ka amar qaata Madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee Al-wefaaq Wadani ayaa si rasmi ah u sheegay in magaalooyin waaweyn oo muhiim ahaa ay kala wareegeen gacanta ciidamada mucaaradka ah ee taabacsan General Khaliifa Xaftar.

Wasiirka Arrimaha gudaha Liibiya Fathi Pashaga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada Dawladdu ay la wareegeen magaalooyin badan oo dalkaasi kamid ah, isla markaana ay hore usii wadi doonaan dagaalka xoraynta ah ee ay ku jiraan.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“Waan ka xoog badanahay sidii hore, xoogaga mucaaradka ahna waanu kala wareegnay goobo badan oo muhiim ahaa, kooxaha ka amar qaata General Khalifa Hifter si kasta oo ay isugu dayaan inay sii wadaan khl-khalgelinta waddanka waanu soo afjari doonaa” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay xilli uu salaan sharaf ka qaadanayay ciidammada Liibiya wuxuuna siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladaha dalkaasi Liibiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadaha dalkaasi ay dhamaan doonaan.

Muddo sanado tiro badan ah ayaa dalka Liibiya waxaa ka socda iska horimaadyo hubeysan, iyadoo xoogaga ka aamar qaata General  Haftar ay dhankooda halgan ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen awooda dalka saliida qaniga ku ah ee Liibiya.

Previous Post

Shirkadda Duulimaadyada ee Turkish AirLine oo Joojisay Duulimaadyada Gudaha Dalkaas.

Next Post

Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Next Post
Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In