Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoogaga Hubaysan ee Dawladda Liibiya oo Sheegay inay la Wareegeen Awoodda Dalkaas.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Xoogaga Hubaysan ee Dawladda Liibiya oo Sheegay inay la Wareegeen Awoodda Dalkaas.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoogaga hubaysan ee ciidamada Dawladda Liibiya isla markaana ka amar qaata Madaxweynaha caalamku aqoonsan yahay ee Al-wefaaq Wadani ayaa si rasmi ah u sheegay in magaalooyin waaweyn oo muhiim ahaa ay kala wareegeen gacanta ciidamada mucaaradka ah ee taabacsan General Khaliifa Xaftar.

Wasiirka Arrimaha gudaha Liibiya Fathi Pashaga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada Dawladdu ay la wareegeen magaalooyin badan oo dalkaasi kamid ah, isla markaana ay hore usii wadi doonaan dagaalka xoraynta ah ee ay ku jiraan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

“Waan ka xoog badanahay sidii hore, xoogaga mucaaradka ahna waanu kala wareegnay goobo badan oo muhiim ahaa, kooxaha ka amar qaata General Khalifa Hifter si kasta oo ay isugu dayaan inay sii wadaan khl-khalgelinta waddanka waanu soo afjari doonaa” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay xilli uu salaan sharaf ka qaadanayay ciidammada Liibiya wuxuuna siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladaha dalkaasi Liibiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadaha dalkaasi ay dhamaan doonaan.

Muddo sanado tiro badan ah ayaa dalka Liibiya waxaa ka socda iska horimaadyo hubeysan, iyadoo xoogaga ka aamar qaata General  Haftar ay dhankooda halgan ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen awooda dalka saliida qaniga ku ah ee Liibiya.

Previous Post

Shirkadda Duulimaadyada ee Turkish AirLine oo Joojisay Duulimaadyada Gudaha Dalkaas.

Next Post

Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Next Post
Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Maxaabiistii madaxweyne Farmaajo Cafiska u fidiyay oo maanta lasii deynayo+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In