Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo ganacsatada kala hadlay inaan sare loo qaadin maciishadda COVID-19 awgiis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo ganacsatada kala hadlay inaan sare loo qaadin maciishadda COVID-19 awgiis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maciishadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu hogaaminaayey Guddoomiyaha Rugtaasi Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed.

Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii  Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xiriira badeecadaha dalka, gaar ahaan kaydka raashinka, waxaana ay sheegeen in illaa iyo hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wel wel ah sidoo kale na ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo cudurka Coronavirus ( COVID-19).

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maciishadda dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshadda dalka.

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho 05.04.2020

Next Post

148 Maxbuus oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dalka oo maanta xabsiga laga sii daayay

Next Post
148 Maxbuus oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dalka oo maanta xabsiga laga sii daayay

148 Maxbuus oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dalka oo maanta xabsiga laga sii daayay

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In