Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

148 Maxbuus oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dalka oo maanta xabsiga laga sii daayay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
148 Maxbuus oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dalka oo maanta xabsiga laga sii daayay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo oo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee u cafiska ugu fidiyay 148 maxbuus ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Saleebaan Maxamed Maxamuud waxa uu goob joog ka noqday maxabiis laga sii daynayo xabsiga dhexe ee Xamar.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa intii maxabiista la xaadirinayay ahaa goob joog isago oo qof kasta weydiinayay inta u xirnaa iyo inta sano ee lagu xukumay sido kalena waano iyo dardaarin siinayay in aanu mar kale gelin kiis u ku mutaysto xabsi kale.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Maxabiista nasiibka u yeeshay in lagu sii daayo cafiska u uu fidayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin cafiska uu Madaxweynaha Dalka u fidiyay, ayna ka fogaan doonaan waxkasta oo ay ku muteysan karaan xabsi.

Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cismaan Colow ayaa digniin iyo waano u jeediyay maxabiista maanta dib u helay xoriyaddooda, isago faray in ay ka fogaadan wax kasta oo u horseedi kara xarig kale.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay in qof kasta oo ka faa’iidaystay cafiska Madaxweynaha uu wax ka bedelo noloshiisii hore, isagoo ku booriyay inay ka fogaadaan waxyaabaha ay mar kale ku mutaysan karaan xabsi.

Ugu dambeyntiina Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa 148 maxbuus ka soo gelbiyay xabsiga dhexe ee Xamar, iyagoo faraxsan dibna ula midoobi doona qoysaskooda oo aysan in muddo ah is arag.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo ganacsatada kala hadlay inaan sare loo qaadin maciishadda COVID-19 awgiis “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Jowhar “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Jowhar “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In