Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kobcinta tirada dadka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo UNFPA ayaa si kulul u cambaareysay falkii isug jiray afguubka iyo kufsiga ahaa ee 30-kii Maarso ee sanadkan ka dhacay degmada Afgooye ee loo geystay labo gabdhood oo aad u da’yar, kuwaasi oo da’dooda kala ahaa 3 sano jir iyo 4 sano jir ah, isla markaana lagu dabiibayo isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayna ku jiraan xaalad adag.
Hay’adda UNFPA ayaa sheegtay inay garab taagantahay labada gabdhood ee dhibanayaasha ah iyo familkooda, ayna ku baaqayaan in cadaaladda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay falkaasi wuxuushnimada ah, iyagoo Baarlamaanka ka dalbaday inay meel mariyaan sharciga wax looga qabanayo kufsiga, si sharci loogu helo kooxaha dhibaateynaya gabdhaha.
UNFPA ayaa sheegtay inay xoojineyso helidda sharciyada looga hortagayo falalka guracan ee lagula kacayo dumarka iyo guurka qasabka ah ee loo geysanayo qaar ka mid ah gabdhaha.