Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in la soo gaarsiiyay dad lagu soo eedeeyay kiiskii labada gabdhood ee lagu kufsaday Afgooye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareysay falkii afduubka iyo kufsiga isugu jiray ee loo geystay gabdho da’yar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka ay soo gaartay dad lagu soo eedayay kiiskii labadii gabdhood ee lagu kufsaday Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saleebaan Maxamed Maxamuud Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in goordhaw loo fadhiisan doono kiiska la xiriira afduubka iyo kufsiga, si ay cadaalad u helaan labada gabdhood ee dhibanayaasha ah, kuwaasi oo da’doou kala ah 3 sano jir iyo 4 jir.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay hayaan kiis kale oo kufsi la xiriira oo ka dhacay degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo fal kufsi ah loogu geystay gabar 7 sano jir ah, waxaana uu ka digay in odoyaasha dhaqanka ay kiisaska kufsiga si hoose oo waan waan ah ku dhameeyaan.

“Xafiiska xeer ilaalinta marna uma dulqaadan doono tacadiga iyo kufsiga loo geysanayo haweenka”. ayuu hadalkiisa ku daray Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

30-kii Maarso ee sanadkan ayay ahayd markii naxariis laawayaal ay afduub iyo kufsi u geysteen labada gabdhood ee aadka u da’da yar, taasi oo fajac ku noqotay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana dhawaan guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay inay xabsiga u dhigeen 18 ruux oo falkaasi lala xiriirinayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay degmada Walaweyn

Next Post
Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1da May

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay degmada Walaweyn

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In