Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada XFS oo ka hadashay kaalinta Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka ee Xilliga Coronavirus

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada XFS oo ka hadashay kaalinta Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka ee Xilliga Coronavirus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku ammaantay shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala dalka oo dhan sida is-xilqaanka leh ee ay gacan uga geysanayaan wacyi-gelinta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, shirkadaha isgaarsiinta qaarkood waxay hirgeliyeen adeegyo wax ka taraya wacyi-gelinta ay waddo dawladda, kuwaas oo kala ah lambarrada lacag la’aanta ah iyo farriimaha ay dadku dhageysanayaan marka ay wicitaan sameynayaan, kuwaas oo wax weyn ka tari doona wacyiga dadkeena oo weli aad u hooseeya marka loo eego khatarta cudurkani leeyahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Wasaaradda oo soo dhoweysay tallabadaas, ayaa dhinaca kale tilmaantay in weli wax badan looga baahan yahay shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka bixiya, sida in wax laga qabto cabashada lambarrada gaaban ee ay adeegsadaan shaqaalaha Gurmadka iyo qiime-dhimis ku sameeyaan sicirka internet-ka si jaamacadaha iyo ardeyda wax ku baranaya online-ka ay uga faa’iideystaan xilligan ay xiran yihiin goobaha waxbarashada.

Wasiirka Boostada XFS Eng. Cabdi Canshuur Xasan

“Waxaan ku jirnaa waqti adag oo haddii aanan isku-duubni lagu wajihin dhibaato weyn noo geysan kara. Waa in cid walba ka fekerto kaalinta kaga aaddan cudurkan ha ahaato wacyi-gelin, qiimo-dhimista adeegyada, ama la-dagaallanka cudurka ee goobaha shaqada,” ayuu yiri wasiirka Wasaaradda, Md. Eng. Cabdi Cashuur oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay inay muhiim tahay in mar kastaba farriimaha wacyi-gelinta lala kaashado Guddiga Gurmadka Qaranka si loo hubiyo sax-ahaanshaha iyo isku-xirnaanta farriinta.

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Tags: Wasaaradda oo ka hadashay kaalinta Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka ee Xilliga Coronavirus
Previous Post

Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan ka walaacsanahay xaaladaha sii kordhaya ee COVID19”

Next Post

Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro

Next Post
Hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro

Hay'addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Deeq-bixiyayaasha oo ka shiray dhameeystirka dastuurka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In